Askar Ruushiyaan ah oo dhimasho iyo dhaawac ku noqda weerar ka dhacay Suuriya.

Thursday June 10, 2021 - 13:00:36 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askar Ruushiyaan ah oo dhimasho iyo dhaawac ku noqda weerar ka dhacay Suuriya.

    Wararka ka imaanaya Suuriya aya sheegaya in ciidamo Ruushiyaan ah lagu dilay weerar loo adeegsaday walxaha qarxa ee dhulka lagu aaso.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya Suuriya aya sheegaya in ciidamo Ruushiyaan ah lagu dilay weerar loo adeegsaday walxaha qarxa ee dhulka lagu aaso.


Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa ku dhawaaqday dhimashada mid ka mid ah askarteeda iyo dhaawaca 3 kale, kadib qarax lala beegsasda ciidan roondo ah oo ka tirsan milatariga Ruushka,qarax ayaana ka dhacay degaan katirsan gobolka xasakah oo dhaca waqooyi bari dalka suuriya,

ilo wareedyo warbaahineed oo oo ku sugan gudaha Suuriya ayaa sheegay in dhacdadan ay ka dhalatay miino ku qaraxday gaari gaashaaman oo Ruushku leeyahay oo marayay degaanka Al-Darbasiyah oo katirsan gobolka al-Hasakah, waxaana deegaankaasi maamula meleshiyaatka labaxay Xoogagga Dimuqraadiga Suuriya.


Ruushka ayaa kumanaan askari geeyay Suuriya si ay u taageeraan maamulka Nuseeriga ee uu hogaamiyo Bashaar Al-Asad.

Bishii Agoosto ee lasoo dhaafay jeneraal Ruush ah ayaa ladilay labo askarina waa la dhaawacay kadib markii qarax lala beegsaday gaarigooda oo marayay degmada Deir ez-Zor ee bariga Suuriya.

Todobaadyo ka hor aye aheed ,markii 3 askari oo Ruush ah ay ku dhaawacmeen qarax miino oo haleelay gaarigii ay wateen oo marayay woqooyi galbeed Suuriya.

Related Items