Ciidamada Kenya oo lagu weeraray Kulbiyoow iyo Hoosingoow iyo Warar kale.

Wednesday June 09, 2021 - 11:54:58 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 2.5/5 Stars) Total Votes: 4
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Ciidamada Kenya oo lagu weeraray Kulbiyoow iyo Hoosingoow iyo Warar kale.

    Xoogaga jihaadiga Al Shabaab ayaa markale xalay weeraro ku miray saldhigyo ay ciidamada shisheeye ku leeyihiin gobollo dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogaga jihaadiga Al Shabaab ayaa markale xalay weeraro ku miray saldhigyo ay ciidamada shisheeye ku leeyihiin gobollo dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.


Wararka ka imaanaya Jubbada Hoose ayaa sheegaya in weer culus lagu qaaday saldhigga melleteriga Kenya ay uga suganyihiin deegaanka Hoosingoow.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta madaafiic iyo rasaas  labada dhinac is dhaafsanayeen, dhinaca kale xalay saqdii dhexe ayuu weerar lakulmay saldhigga ciidanka KDF ay ka sameysteen tuulada Kulbiyoow ee xuduud beenaadka kulaasha.


Dhanka gobolka Sh/hoose weerar jidgal ah oo lagu beegsaday kolonyo katirsan ciidamada AMISOM ayaa sababay gubashada 2 gaari oo mid ahaa xamuul halka midka kale uu ahaa Taaw.

Warar lagu kalsoonyahay waxay xaqiijinayaan in wadada loo galay kolonyo sahay sidday oo ku socdaalayay inta udhaxaysa deegaanka Danoow iyo Shalaambood.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii weerar ka dhacay deegaanka Gololeey ee duleedka Buula Mareer lagu dilay askari katirsanaa ciidamada Uganda.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items