Dharbaaxadii madaxweynaha Faransiiska oo ihaano lagu tilmaamay.

Wednesday June 09, 2021 - 11:32:52 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dharbaaxadii madaxweynaha Faransiiska oo ihaano lagu tilmaamay.

    Madaxtooyada Faransiiska ayaa war kasoo saartay weerar bahdil iyo ihaana ah oo shalay lagula kacay Emmanuel Macron madaxweynaha wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxtooyada Faransiiska ayaa war kasoo saartay weerar bahdil iyo ihaana ah oo shalay lagula kacay Emmanuel Macron madaxweynaha wadankaasi.


Xukuumadda Paris waxay sheegtay in falkii uu wiil dhalinyara ah ku dharbaaxay Macron ay aheyd wax iska caadi ah iyadoo ula jeeday in uusan aheyn weerar lasoo abaabulay.

Warbaahinta ku hadasha afka dowladda iyo midda gaarka loo leeyahay waxaa laga daawaday wiil dhalinyara ah oo wajiga ka dharbaaxaya Emmanuel Macron.

Ihaanada ayaa ku dhacday Macron xilli uu booqanayay Maqaayado ganacsi oo kuyaal degmada Daroom ee dhaca Koonfur Bari Faransiiska si uu dadka ugu muujiyo in xayiraaddii Carona lagasoo kabsaday.


Baraha bulshadu ku wada xiriirto ayaa si aad ah looga hadal hayaa dharbaaxada Macron ku dhacday, dadka qaar ayaa u arka ihaano iyo sharaf dil halka dadka qaar ay ku tilmaameen wax caadi ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items