Ciidamada dowladda oo lagala wareegay Daynuunaay iyo Itoobiyaan lagu weeraray Bakool.

Wednesday June 09, 2021 - 11:20:45 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 2.7/5 Stars) Total Votes: 6
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada dowladda oo lagala wareegay Daynuunaay iyo Itoobiyaan lagu weeraray Bakool.

    Wararka ka imaanaya gobollada Bay iyo Bakool ayaa sheegaya in weeraro culus lagu qaaday saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamada xabashida Itoobiya iyo maleeshiyaadka dowladda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobollada Bay iyo Bakool ayaa sheegaya in weeraro culus lagu qaaday saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamada xabashida Itoobiya iyo maleeshiyaadka dowladda.


Saaka aroortii hore ayay ciidamada Al Shabaab weerar culus ku qaadeen saldhig ciidan oo kuyaal deegaanka Daynuunaay oo ku dhow magaalada Baydhabo.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay isaga firxadeen deegaanka kadib dagaal kooban oo halkaas ka dhacay.

Dad ku sugan gobolka Baay ayaa sheegay in deegaanka Daynuunaay iyo saldhigyadii ciidamada dowladda ay la wareegeen dagaalyahannada Al Shabaab.


Weerar kale oo maanta barqadii duleedka Baydhabo loogu dhigay ciidamo gurmad ahaa ayaa sababay dhimashada 3 askari iyo dhaawac soo gaaray tira kale, xoogaga jihaadiga ah weerarka jidgalka ah dhigay ayaa la sheegay in ay hub ka furteen ciidamadii dhanka Baydhabo kasoo gurmaday.

Dhinaca kale weerar culus ayaa lagu qaaday laba saldhig oo ciidamada Itoobiya ku leeyihiin degmooyinka Xudur iyo Waajid balse lama oga khasaaraha ka dhashay weeraradaasi.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items