Warxgaradka gobolka Gedo oo si kulul uga hadlay xasuuqii ay Kenya ka geysatay degmada Ceelcadde [Dhageyso].

Tuesday June 08, 2021 - 09:33:30 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warxgaradka gobolka Gedo oo si kulul uga hadlay xasuuqii ay Kenya ka geysatay degmada Ceelcadde [Dhageyso].

    Nabadoono iyo waxgarad kamid ah bulshada ku nool gobolka Gedo ayaa si kulul u cambaareeyay tallaabadii ay dowladda Kenya duqeynta garadarrada ah kaga geystay deegaanka Ceelcadde, halkaas oo ay ku dishey hooyo iyo wiil ay dhashey kuna dhaawacday carru

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nabadoono iyo waxgarad kamid ah bulshada ku nool gobolka Gedo ayaa si kulul u cambaareeyay tallaabadii ay dowladda Kenya duqeynta garadarrada ah kaga geystay deegaanka Ceelcadde, halkaas oo ay ku dishey hooyo iyo wiil ay dhashey kuna dhaawacday carruur kale.


Waxgaradka ayaa sheegay in tallaabadaas ay muujineyso cadaawadda dowladda Kenya u qabto umadda Soomaaliyeed, dhankoodana ay iska difaaci doonaan.

Garaad Maxamed Garaad Sheekh Maxamuud oo ah garaadka beesha Garaad ayaa kamid ahaa waxgaradkii kulanka ka hadlay wuxuuna farriimo kulul udiray dowladda Kenya.

Nabadoonnadu waxay tacsi u direen ehellada iyo waalidiinta hooyadii iyo wiilkeeda ku dhintay duqeynta, iyagoona Allaah ka baryay inuu shaafiyo caruurta dhaawacan.


Related Items