CENTCOM oo ku dhawaaqay in uu heer gaba gabo ah marayo qorshaha bixitaanka ciidanka Mareykanka ee Afghanistan.

Tuesday June 08, 2021 - 09:14:26 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 1.5/5 Stars) Total Votes: 2
  • 0 0
  • Share via Social Media

    CENTCOM oo ku dhawaaqay in uu heer gaba gabo ah marayo qorshaha bixitaanka ciidanka Mareykanka ee Afghanistan.

    Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in kalabar ay dhameystireen howlgalkii labixitaanka ciidamadooda ku sugan Afghanistan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in kalabar ay dhameystireen howlgalkii labixitaanka ciidamadooda ku sugan Afghanistan.


Kenneth F. McKenzie oo ah taliyaha CENTCOM ayaa shir jaraa'id ku sheegay in heer gaba gabo ah uu marayo ka bixitaanka ciidamada Americanka ee dalka Afghanistan balse wuxuu sheegay in uu sii socan doono dagaalka ka dhanka ah waxa loogu yeero Argagaxisada.

"waxaan dhammeystirnay kala bar howlgalkii ka bixintaanka Afghanistan balse bixitaanka waxaan dhammaystiri doonaa bisha September" ayuu yiri Kenneth.

Washington waxay sheegtay in ay dagaalka kasii wadi doonto meel ka baxsan dalka Afghanistan balse ma carabaabin dalka ay saldhigga ka sameysan doonaan.


Warbixinno soo baxay ayaa sheegaya in Mareykanku uu saldhigyo ka sameyn doono Pakistan iyo wadan kale oo daris la ah Afghanistan halkaas oo uu kala socan doono dhaq dhaqaaqa Taliban iyo Al Qaacidda.

Dhinaca kale dowladda Holland ayaa ku dhawaaqday in mid kamida diyaaradaheeda dagaalka ay ku burburtay gudaha Afghanistan.

Diyaaradda burburtay oo nuuceedu yahay laba matooreey ayaa ky dhacday dul buuralay ah sida ay muujinayeen sawirro lagasoo qaaday goobta uu shilku ka dhacay.

 

Related Items