Darawalkii Taliye ku xigeenka ciidanka Lugta oo Muqdisho lagu dilay iyo qarax ka dhacay deegaanka Jaziira.

Tuesday June 08, 2021 - 08:31:41 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Darawalkii Taliye ku xigeenka ciidanka Lugta oo Muqdisho lagu dilay iyo qarax ka dhacay deegaanka Jaziira.

    Dilal iyo qaraxyo khasaara dhaliyay ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gudaha iyo duleedka magaalada Muqdisho kuwaas oo lagu beegsaday askar iyo saraakiil.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dilal iyo qaraxyo khasaara dhaliyay ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gudaha iyo duleedka magaalada Muqdisho kuwaas oo lagu beegsaday askar iyo saraakiil.


Xoogag hubaysan ayaa xalay xaafadda Saybiyaano ee degmada Hodon ku dilay sarkaal katirsanaa ciidanka melleteriga, ilo wareedyo ayaa sheegaya in ladilay nin magaciisa lagusoo gaabiyay Ciirro kaasi oo darawal u ahaa taliye ku xigeenka ciidanka lugta DF-ka ninka lagu magacaabo Xuseen Xoosh.

Wararka ayaa intaas ku daraya in xoogagii dilka geystay ay si nabad gelya ah uga dhaqaaqeen goobta.

Dhinaca kale qarax xooggan ayaa lagu beegsaday ciidamo katirsanaa dowladda Federaalka xilli ay ku sugnaayeen Koontarool kuyaal deegaanka Jaziira ee duleedka Muqdisho.


Qaraxa waxaa ku dhintay 2 askari waxaana ku dhaawacmay hal askari,Xuseen Jilacoow oo ah guddoomiyaha deegaanka Jaziira ayaa xaqiijiyay qaraxan ciidamada lagu beegsaday.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items