Qoys muslimiin ah oo lagu dilay weerar gaari jiirsiin ah.

Tuesday June 08, 2021 - 08:01:57 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qoys muslimiin ah oo lagu dilay weerar gaari jiirsiin ah.

    Ku dhowaad 6 qof muslimiin ah ayaa ku dhintay weerar cusub oo ka dhacay mid kamida wadamada dhaca waqooyiga qaaradda America.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ciidamo katirsan Booliska Canada
Ku dhowaad 6 qof muslimiin ah ayaa ku dhintay weerar cusub oo ka dhacay mid kamida wadamada dhaca waqooyiga qaaradda America.


Booliska dowladda Canada ayaa ku dhawaaqay in 5 qof muslimiin isku qoys ah ay dhinteen kadib markii si ula kac ah gaari loogu jiirsiiyay bartamaha degmada London ee gobolka Ontario.

Nin Kirishtaan ah oo kaxaynayay gaari nuuciisu yahay xamuul ayaa gaariga jiirsiiyay qoyska muslimiinta ah xilli ay ku socdaalayeen wadada hareeraheeda.

R/wasaaraha Canada oo hadlay ayaa sheegay in weerarkan uu ahaa mid muujinaya naceybka ka dhanka ah muslimiinta isagoo wixii dhacay ku tilmaamay fal argagaxiso.


Dalka Canada wuxuu kamid yahay meelaha ugu daran ee lagu beegsado jaaliyadaha muslimiinta illaa iyo haddana ma muuqdaan wax ay xukuumadda Toronto ka qabatay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items