Weeraro lagu dilay Askar Kenyaan ah oo ka dhacay duleedka degmada Raamuu.

Monday June 07, 2021 - 18:02:53 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 2.7/5 Stars) Total Votes: 22
  • 6 0
  • Share via Social Media

    Weeraro lagu dilay Askar Kenyaan ah oo ka dhacay duleedka degmada Raamuu.

    Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa weerar hubaysan oo markale ka dhacay dhulka Soomaalida NFD ee kujira gummeysiga dowladda Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa weerar hubaysan oo markale ka dhacay dhulka Soomaalida NFD ee kujira gummeysiga dowladda Kenya.


Wararka ka imaanaya gobolka Mandheera ayaa sheegaya in maanta duhurkii ay xoogag jihaadi ah weerar culus ku qaadeen deegaanno ay ku sugnaayeen ciidamo boolis Kenyaan ah.

ilo wareedyo amni ayaa sheegaya in dagaalyahannada Al Shabaab ay weerareen deegaannada Oola iyo Sarmaan oo hoos yimaad degmada Raamu ee Mandheera.


War rasmi ah oo kasoo baxay XSHM ayaa lagu sheegay in weerarada Mandheera lagu dilay illaa 3 askari Kenyaati ah islamarkaana lagasoo furtay 5 qori.

illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin dowladda Kenya oo ku saabsan weeraradan cusub ee ka dhacay gobolka loo bixiya waqooyi Bari.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items