Taliban oo 26 saldhig ka qabsatay Melleteriga xukuumadda Afghanistan.

Monday June 07, 2021 - 17:39:18 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Taliban oo 26 saldhig ka qabsatay Melleteriga xukuumadda Afghanistan.

    Dowladda Mareykanka ayaa tafaasiil yar ka bixisay qaabka ay ciidamadeedu uga baxayaan dalka Afghanistan, jenaraallo American ah ayaa sheegay in ay kujiraan bilihii ugu dambeeyay ee joogitaanka ciidamadooda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Mareykanka ayaa tafaasiil yar ka bixisay qaabka ay ciidamadeedu uga baxayaan dalka Afghanistan, jenaraallo American ah ayaa sheegay in ay kujiraan bilihii ugu dambeeyay ee joogitaanka ciidamadooda.



Mas'uuliyiin katirsan Pentagon-ka waxay sheegeen in 11 September wixii ka dambeeya uusan hal askari American ah baaqi kusii ahaan doono ciidda Afghanistan.

Howlgalka bixitaanka badankiis wuxuu ka socdaa hawada Afghanistan halkaas oo ay isku ciriirinayaan diyaarada xamuulka iyo kuwa dagaalka mareykanka.

Shabakad ka faaloota arrimaha duulimaadyada ayaa sheegtay in hawada afghanistan ay wajahayso zaxmadii ugu ballaarneed tan iyo markii ay wadankaas dagaalladu ka bilaawdeen.



Leon Panetta oo ah wasiirkii difaaca maamulkii Obama iyo lataliyihii dhamka amniga Trump ayaa dhaleeceeyay insixaabka degdegga ah ee Afghanistan waxayna sida ay wax usocdaan ku yeesheen kuwa dan u ah Argaxgaxisada oo ay ula jeedaa Taliban.

"haddii aan si cad uhadlo majiro qorshe laga baaraan degay oo ay qaadatay wasaaradda difaaca waxa noo muuqdana waa Talibaan ay fursad helaysa" sidaas waxaa yiri wasiirkii hore ee difaaca.

Leon Panetta ayaa sanadadii uu Pentagonka hoggaaminayay waxaa ka dhacay weeraradii ugu waaweyn ee Taliban ay ku fuliso shisheeyaha.

Mas'uuliyiin American ah waxay sheegeen in mujaahidiinta imaarada islaamiga ah ay qabsadeen illaa 26 saldhig melleteri tan iyo markii ay ciidamada american-ka ah bilaabeen dib ugurashada.

waxaa la sheegay in dagaalyahanada Taliban ay labaatameeyo saldhig ka faramaroojiyeen cidamada xukuumadda camiilka ah walina ay usi gurguuranayaan xarun goboleedyo muhiim ah.

"ka bixiteenka ciidanka mareykanka ee Afghanistan iyadoo aan lasameyn isku dheeli tirnaan melleteri oo muuqata wuxuu khasaarin karaa dadaaladii labaatanka sano socday wuxuuna xaaladda uekaysiinayaa mid lamid ah xaaladda ciraaq"ayuu markale ku hadaaqay wasiirkii hore ee difaaca Washington.

26-ka saldhig ee Taliban ay qabsatay marka lagasoo tago waxay qarka usaarantahay in ay lawareegto gobolka Nuristan ee dhaca bariga dalka Afghanistan.

Related Items