Maxkamad Islaami ah oo xukun ku ridday nin kufsi ka geystay Tiyeegloow.

Monday June 07, 2021 - 12:25:36 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 1.5/5 Stars) Total Votes: 2
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Maxkamad Islaami ah oo xukun ku ridday nin kufsi ka geystay Tiyeegloow.

    Fagaare kuyaal degmada Tiyeegloow ee gobolka Bakool waxaa shalay gelinkii dambe ka dhacay xad kamida xuduudda Alle kaasi oo lagu fuliyay ruux xadgudbay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fagaare kuyaal degmada Tiyeegloow ee gobolka Bakool waxaa shalay gelinkii dambe ka dhacay xad kamida xuduudda Alle kaasi oo lagu fuliyay ruux xadgudbay.


Maxkamadda wilaayada Islaamiga ah ayaa xukunkan ku fulisay nin aan guur soo marin kaasi oo kufsaday mid kamida dumarka ku dhaqan gobolka Bakool.

Aadan Caliyoow Bakar oo 23 sana jir ah ayaa maxkamadda horteeda ka qirtay in uu kufsaday gabar lagu magacaabo Nadiifo Keeroow Mursal oo 22 sana jir ah.

Qaadig maxkamadda Islaamiga ah oo  goobtii uu xadku ka dhacay ka hadlay ayaa sheegay in ninka falka zinada ah geystay lagu xukumay 100 Jeydal iyo in laga qaado qaalin geel ah oo ah Maharka gabadha ah iyo 2 neef ari ah.


Aadan Caliyoow Bakar oo ah wiilka kufsiga geystay ayaa la amray in laga masaafuriyo deegaanka uu kufsiga ka geystay, maxkamadaha islaamiga ah ee ka jira wilaayaatka dhaca Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa tadbiiqiya shareecada Islaamka arrintaas oo dadku ay ku heleen ammaan iyo kala dambayn.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items