Askari katirsan ciidamada AMISOM oo lagu dilay Koonfurta Soomaaliya.

Monday June 07, 2021 - 11:53:05 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askari katirsan ciidamada AMISOM oo lagu dilay Koonfurta Soomaaliya.

    Khasaare xooggan ayaa ciidamada shisheeye kasoo gaaray weeraro culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno katirsan gobolka Sh/hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaare xooggan ayaa ciidamada shisheeye kasoo gaaray weeraro culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno katirsan gobolka Sh/hoose.


Weeraro toos ah iyo qaraxyo ka dhacay duleedyada degmooyinka Marka iyo Buula Mareer ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa kasoo jeeda dowladda Uganda.

ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in weerar dhabagal ah oo shalay ka dhacay deegaanka Golweyn uu sababay dhimashada hal askari Yugaandheys ah halka tira kale ay dhaawacyo soo gaareen.


Dhinaca kale qaraxyo is xigxigay ayaa ciidamada AMISOM lagula beegsaday deegaanka Lambar60 ee duleedka magaalada Marka, warar lagu kalsoonyahay waxay xaqiijinayaan in gaari xamuul ah lagu gubay qarax miino.

Al Shabaab ayaa weeraro joogta ah iyo qaraxyo ku haya ciidamada shisheeye iyo maleeshiyaadka dabadhilifyada ah ee la shaqeeya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items