36 qof oo lagu dilay dagaallo dhax maray maleeshiyo beeleedyo hubaysan.

Monday June 07, 2021 - 11:21:27 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    36 qof oo lagu dilay dagaallo dhax maray maleeshiyo beeleedyo hubaysan.

    Wararka ka imaanaya galbeedka wadanka Suudaan ayaa sheegaya in sodomeeyo ruux lagu dilay weerar cusub oo halkaas ka dhacay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya galbeedka wadanka Suudaan ayaa sheegaya in sodomeeyo ruux lagu dilay weerar cusub oo halkaas ka dhacay.


Wakaaladda wararka ufaafisa dowladda Suudaan ayaa sheegtay in dagaal beeleed saacado badan qaatay uu shalay Koonfurta Daarfoor ku dhaxmaray maleeshiyaad hubaysan.

Ugu yaraan 36 ruux ayaa ku dhintay dagaalkii shalay sida uu xaqiijiyay Muusa Mahdi oo ah waaliga wilaayada Daarfoor ugu magacaaban xukuumadda Suudaan.

Dadka dhintay mid kamida ayaa ah askari katirsan ciidamada xukuumadda Suudaan, saraakiisha dowladda ayaa sheegay in ciidamo ay kala dhax dhigeen dhinacyada dagaallamaya balse aysan taasi joojin colaadda.


Gobolka Daafoor ee dhaca galbeedka wadanka Suudaan waxaa halakeeyay colaado udhaxeeya qabaa'illada asalkoodu carabta yahay iyo kuwa Afrikaanta ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items