Ciidamada wilaayada Islaamiga Sh/hoose oo gaaray deegaanka Warmaxan.

Sunday June 06, 2021 - 17:16:25 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada wilaayada Islaamiga Sh/hoose oo gaaray deegaanka Warmaxan.

    Ciidamo aad u hubaysan oo katirsan Al Shabaab ayaa dhaq dhaqaaq melleteri ka sameeyay deegaan dhanka galbeed uga beegan magaalada caasimadda ah ee Mudisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore jihaadiyiin ku sugan Sh/hoose.
Ciidamo aad u hubaysan oo katirsan Al Shabaab ayaa dhaq dhaqaaq melleteri ka sameeyay deegaan dhanka galbeed uga beegan magaalada caasimadda ah ee Mudisho.


Wararka ka imaanaya Sh/hoose ayaa sheegaya in ciidamada wilaayada islaamiga ah ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta deegaanka Warmaxan oo udhaxeeya degmooyinka Afgooye iyo Wanllaweyn.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in wax dagaal ah uusan ka dhicin deegaanka kadib markii ay isaga firxadeen maleeshiyaad daacad u ahaa dowladda Farmaajo.


Goob joogayaal ayaa sheegay in ay arkeen dagaalyahanno aad u hubaysan oo gaaf wareegaya Warmaxan waxayna baaritaanno ku sameeyeen saldhigyadii ay baneeyeen ciidamada dowladda.

Khadka isgaarsiinta ayaa hawada ka maqnaa muddo saacado ah balse illaa iyo hadda lama oga in xoogaga Al Shabaab ay Warmaxan ku suganyihiin iyo in ay isaga baxeen.

Deegaanka Warmaxan ayaa sanadadii lasoo dhaafay marin u ahaa Maleeshiyaadka Bangaraafta loo yaqaan ee Mareykanku ku tababaray garoonka Balidoogle kuwaasi oo weeraro jidgal ah iyo qaraxyo kala kulmi jiray ciidamada Xarakada SHM.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items