Saldhig ay ku sugnaayeen ciidamo American oo duqeyn xooggan loo geystay.

Sunday June 06, 2021 - 16:49:26 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saldhig ay ku sugnaayeen ciidamo American oo duqeyn xooggan loo geystay.

    Maleeshiyaad Shiico ah ayaa markale weerar hubaysan ku qaaday saldhig uu isbahaysiga caalamiga ah ku leeyahay magaalda Baqdaad ee caasimada ciraaq.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maleeshiyaad Shiico ah ayaa markale weerar hubaysan ku qaaday saldhig uu isbahaysiga caalamiga ah ku leeyahay magaalda Baqdaad ee caasimada ciraaq.



saaka aroortii hore ayaa sawaariikh lagu weeraray xarunta taageerada diblumaasiyadeed ee taxaalufka saliibiga ah uu ku leeyihiin Baqdaad.

Afhayeen u hadlay xafiiska ayaa sheegay in dhowr saaruukh oo kaatiyoosha ah lagusoo weeraray balse aysan jirin wax khasaara ah oo dhankooda soo gaaray.

Dhinaca kale weeraro loo adeegsaday diyaarado drone ah ayaa lagu qaaday saldhigga Ceynul asad ee dhaca galbeedka Ciraaq.


waxa loogu yeero unugga amniga xukuumadda Baqdaad ayaa war uu soo saaray ku sheegay in ay dhulka soo dhigeen laba diyaarado drone ah kuwaas oo isku dayaye in ay weeraraan saldhigga ceynul Asad oo kuyaal gobolka Al-anbaar halkaas oo ay ku suganyihiin kumanaan askar American ah.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items