Xisbiyada Mucaaradka maamulka 'Somaliland' oo isbahaysi sameystay.

Sunday June 06, 2021 - 16:35:30 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiyada Mucaaradka maamulka 'Somaliland' oo isbahaysi sameystay.

    Kulan ay magaalada Hargeysa ku yeesheen mas'uuliyiinta ugu sarraysa xisbiyada mucaaradka 'Somaliland' waxay uga dhawaaqeen isbahaysi cusub.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulan ay magaalada Hargeysa ku yeesheen mas'uuliyiinta ugu sarraysa xisbiyada mucaaradka 'Somaliland' waxay uga dhawaaqeen isbahaysi cusub.


Xisbiyada UCID iyo Waddani oo ku guulaystay doorashooyinkii baarlamaanka iyo kuwa deegaanka ayaa sheegay in ay dhisteen isbahaysi dhan walba ah.

Labadan xisbi waxay waxay soo saareen liiska illaa 10 xubnood kuwaas oo ka shaqeyn doono sidii ay hoggaanka ugu qaban lahaayeen waxa loo yaqaan Golaha wakiillada iyo golaha deegaanka.

Xisbiyadan mucaaradka ah ayaa guulo kasoo hooyay doorashooyinkii golaha deegaanka iyo kuwa wakiillada, Xisbiga Waddni ayaa helay 31 kursi halka UCID uu helay 21 kursi taas oo ka dhigan in 63% ay iyagu hoggaamin doonaan golaha baarlamaanka ayna soo magacaabi doonaan inta badan guddoomiyaasha gobollada waqooyi galbeed.


Xisbiga Kulmiye ee uu hoggaamiyo Muuse Biixi ayaan illaa iyo hadda ictiraafin in looga adkaaday doorashooyinkii bishii lasoo dhaafay laga qaban qaabiyay lixda gobol ee uu ka arrimiyo maamulka 'Somaliland.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items