Jabhadda TPLF oo weerar jidgal ah udhigtay ciidamo katirsan dowladda Eritrea.

Saturday June 05, 2021 - 12:57:46 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jabhadda TPLF oo weerar jidgal ah udhigtay ciidamo katirsan dowladda Eritrea.

    Dagaallo culus ayaa dib uga qarxay waqooyiga wadanka Itoobiya kuwaas oo udhaxeeya dagaalyahanada qowmiyadda Tigreega iyo ciidamada dowladda Eritrea.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaallo culus ayaa dib uga qarxay waqooyiga wadanka Itoobiya kuwaas oo udhaxeeya dagaalyahanada qowmiyadda Tigreega iyo ciidamada dowladda Eritrea.


Wakaaladaha wararka ayaa soo wariyay in kolonyo katirsan ciidamada xukuumadda Asmara ay weerar culus kala kulmeen dagaalyahanno katirsan Jabhadda TPLF.

Eritrea waxay sheegaysaa in ay ciidamadeeda kala baxday gobolka ay dagaalladu aafeeyeen ee Tigray balse waxaa lasoo sheegayaa in ciidamada Eritreanka ah ay wali xasuuq ka wadaan waqooyiga Itoobiya.

Dhinaca kale saraakiil katirsan kooxda TPLF ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan ciidamada Abiy Axmed inta ay guul kasoo hoynayaan.


TPLF ayaa kumanaan askari kusoo bandhigtay degmada Howzan oo wali ku jirta gacanteeda, muuqaallo lagasoo duubay magaaladan ayaa muujinayay saraakiisha Tigreega oo waddooyinka ku sugan islamarkaana adeegyo ufidinaya dadkooda.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items