Sawirro: Diyaaradaha Kenya oo Shacab ku xasuuqay degmada Ceel Cadde.

Thursday June 03, 2021 - 12:05:51 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Diyaaradaha Kenya oo Shacab ku xasuuqay degmada Ceel Cadde.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeymo laayaan ah oo diyaarado dagaal ay xalay ka geysteen deegaanno katirsan gobolka Gedo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeymo laayaan ah oo diyaarado dagaal ay xalay ka geysteen deegaanno katirsan gobolka Gedo.

Duqeymaha oo dhacay xalay saqdii dhexe waxaa loo malaynayaa in ay geysteen diyaarado ay leedahay dowladda Kenya oo ciidamadeedu ay duullaan ku joogaan Soomaaliya.

Degmada Ceelcadde duqeynta ka dhacday waxaa ku dhintay qof dumar ah halka ay ku dhaawacmeen 5 carruur ah oo ay dhashay, Cali Axmed Sheekh Cabdi oo ah aabaha qoyska laduqeeyay ayaa warbaahinta u sheegay in diyaarad aan duuliye laheyn ay illaa 2 gantaal ku beegsatay gurigiisa islamarkaana gabi ahaantiisba uu burburay.


Wuxuu sheegay in xaaskiisa ay ku shahiiday duqeynta halka ay dhaawacyo soo gaareen 5 carruurtiisa kamid ah, sawirro lagasoo qaaday goobta ay duqeyntu ka dhacay ayaa muujinayay burburka guriga  iyo dhaawacyo gaaray dadkii deganaa.

Magacyada dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay duqeynta

Hooyo Sahro Aadan Shariif waa ku dhimatay duqeynta 

C/raxmaan  Cali Axmed Sheekh oo 8 bilood jir ah waa dhaawac

Salmo Cali Axmed Sheekh oo 2 jir ah waa dhaawac

Cabdullaahi CCali Axmed Sheekh oo 9 jir ah waa dhaawac

Cabdi Fataax Cali Axmed Sheekh oo 11 jir ah waa dhaawac

Qatro/Khadro Cali Axmed Sheekh oo 12 jir ah waa dhaawac.

Guuxa diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa xalay laga maqlayay deegaanno badan oo katirsan gobolka Gedo waxayna argagax geliyeen dadka iyo duunyada ee si nabad gelya ah ku deganaa.

Dowladda Kenya ayaa 10-kii sano ee lasoo dhaafay xasuuq joogta ah ku haysay shacabka ku dhaqan gobollada Gedo iyo Jubbooyinka iyadoo ku marmarsiyoonaysa in ay la dagaalamayso Al Shabaab.

HOOS ka daawo sawirrada khasaaraha ka dhashay duqeyntii Ceelcadde.










Related Items