Mareykanka oo lacag 7 Malyan ah dul dhigay Sheekh Abuu Cubeyda.

Thursday June 03, 2021 - 11:33:21 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 2.5/5 Stars) Total Votes: 2
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo lacag 7 Malyan ah dul dhigay Sheekh Abuu Cubeyda.

    Dowladda Mareykanka ayaa markale warbixin kasoo saartay amiirka Al Qaacidada ugu awoodda badan qaaradda Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Abuu Cubeyda ayaa hoggaanka uqabtay Maqribul Islam sanadii 2020
Dowladda Mareykanka ayaa markale warbixin kasoo saartay amiirka Al Qaacidada ugu awoodda badan qaaradda Afrika.


Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in lacag dhan 7 malyan oo dollar ay duldhigtay Sheekh Abuu Cubeyda Yuusuf Al Cannaabi oo ah amiirka Al Qaacidda ee Maqribul Islaami.

Mareykanku wuxuu sheegay in Abu Cubeyda uu halis ku yahay amniga Washington iyo dhammaan dowladaha reergalbeedka.

Hoggaamiyahan uu Mareykanku sida aadka ah udoon doonayo ayaa noqday amiirka Faraca Al Qaacidda ee Maqrib bishii November sanaddii 2020, xilligaas oo duqeyn ka dhacday dalka Maali lagu dilay Abuu Muscab Cabdul Waduud oo ahaa amiirkii jamaacada.


Abuu Cubeyda oo loo yaqaan magaca Yaziid Mubaarak ayaa ah jaamici heer sare ka gaaray aqoonta diinta Islaamka iyo cilmiga maadiga ah waana nin leh kartid hoggaamineed iyo mid melleteri.

Wadaadkan waxaa hoos taga Jihaadiyiinta ugu awoodda badan qaaradda Afrika waana Jamaacada Nusratul Islaam Walmuslimiin oo ka dagaallanta galbeedka Afrika gaar ahaan Maali,Burkina Faso, Niger iyo Nigeria.

Related Items