Diyaarad melleteri oo ku burburtay bariga dalka Liibiya.

Sunday May 30, 2021 - 12:37:52 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • Visits: 186
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaarad melleteri oo ku burburtay bariga dalka Liibiya.

    Wararka ka imaanaya dalka Liibiya ayaa sheegaya in diyaarad melleteri oo uu lahaa Khaliifa Xaftar ay ku burburtay bariga wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya dalka Liibiya ayaa sheegaya in diyaarad melleteri oo uu lahaa Khaliifa Xaftar ay ku burburtay bariga wadankaasi.


Saraakiil ku sugan magaalada Binghazi ayaa sheegay in diyaarad melleteri ay ku dhacday meel ku dhow garoonka Baneyna oo ay isticmaalaan ciidamada cirka dagaal ooge Khaliifa Xaftar.

Axmed Al Masmaari oo ah afhayeenka Xaftar ayaa sheegay in diyaaraddu ay uburburtay cillado farsamo waxaana ku dhintay duuliyihii kaxaynayay diyaaradda.

Xilligii ay diyaaradu dhacaysay ayuu dagaal ooge Xaftar ku sugnaa madaarka Baneyna wuxuuna halkaas uga qeyb gelayay munaasabad lagu xusayay sanad guuradii 7aad ee kasoo wareegtay bilaabashada howlgalkii loogu magac daray Alkaraammah kaasi oo lagu xasuuqay kumanaan kun shacab rayid ah.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items