Masar oo bilaawday in ay Itoobiya ka go'doomiso siyaasadda Afrika.

Saturday May 29, 2021 - 20:14:54 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masar oo bilaawday in ay Itoobiya ka go'doomiso siyaasadda Afrika.

    Dowladda Masar ayaa sare uqaadday dadaallada ay ku go'doominayso Itoobiya oo wajahaysa cadaadis dibadeed iyo mid gudaha ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Masar ayaa sare uqaadday dadaallada ay ku go'doominayso Itoobiya oo wajahaysa cadaadis dibadeed iyo mid gudaha ah.


Magaalada Kigaali ee caasimadda dalka Rwanda waxaa gaaray wafdi heer sare ah oo ka socda dowladda Masar kaasi oo heshiisyo lasaxiixan doono dowladda Rwanda.

Jeneraal Max'med Fariid oo ah taliyaha guud ee ciidamada Masar ayaa wafdiga hoggaaminaya waxaa kale oo la socday saraakiisha ugu sarraysa sirdoonka Masar iyo xubno katirsan aqalka madaxtooyada.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in labada dowladood ay kala saxiixan doonaan heshiisyo dhanka amniga iyo iskaashiga caalamiga ah.


Masar ayaa isbuucii lasoo dhaafay heshiisyo sirdoon iyo kuwa melleteti lasaxiixatay dowlado ay kamid yihiin Jabuuti,Suudaan iyo Kenya oo dhammaantood daris la ah Itoobiya.

Itoobiya iyo Masar ayaa isku murunsan qeybsiga Webiga Niil waxaana fashilmay dhammaan dadaalladii ladoonayay in lagu xalliyo khilaafka labada dal.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items