Sarkaal katirsan maamulka 'Jubbaland' iyo 8 askari oo ku dhintay qarax ka dhacay Jubbada Hoose.

Saturday May 29, 2021 - 12:00:27 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal katirsan maamulka 'Jubbaland' iyo 8 askari oo ku dhintay qarax ka dhacay Jubbada Hoose.

    Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay weeraro askar iyo saraakiil badan lagu dilay oo ka dhacay deegaan katirsan gobolka Jubbada Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

waa sawirka sarkaalka ladilay
Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay weeraro askar iyo saraakiil badan lagu dilay oo ka dhacay deegaan katirsan gobolka Jubbada Hoose.


Wararka ka imaanaya Jubbooyinka ayaa sheegaya in qarax miino lagu dilay ku dhowaad 10 qof oo isugu jira askar iyo saraakiil katirsanaa maamulka 'Jubbaland' ee Axmed Madoobe hoggaamiyaha ka yahay.

ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in laba qarax lala helay laba gaari oo ku socdaalayay wadada xiriirisa degmada Afmadoow iyo deegaanka Qooqaani ee Jubbada Hoose.

Sida ay wararku sheegayaan ugu yaraan 9 askari ayaa ku dhintay qaraxyada, saraakiisha dhintay waxaa kamid ah Eydhiin Cabdullaahi Cabdullaahi Carab oo ah sarkaal ay isku dhowaayeen Axmed Madoobe.


Wararka ayaa intaas ku daraya in qaraxyada kadib ay xoogaga Al Shabaab weerar jidgal ah udhigeen ciidamadii ka badbaaday qaraxyada arrinkaas oo sare usii qaaday khasaaraha soo gaaray maamulka 'Jubbaland'.

Gobolka Jubbada hoose ayaa kamid ah gobollada ay ka socdaan weerarada jihaadiga ah ee lagula jiro ciidamada shisheeye iyo maleeshiyaadka dabadhilifyada u ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items