Siyaasadda Doorshaanka!!

Friday May 28, 2021 - 08:40:08 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 7 0
  • Share via Social Media

    Siyaasadda Doorshaanka!!

    Muddooyinkii ugu dambeeyay waxa ay dadkeennu wajahayeen jahawareer siyaasadeed iyo kuwo amni. Waxa dhacdey in xukuumaddii federaalka iyo ciidankeedii ku kor dagaallamaan dadkii shacab ahaa, heer ay haayadihii reer galbeed ee dawladda taageeri jirey s

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muddooyinkii ugu dambeeyay waxa ay dadkeennu wajahayeen jahawareer siyaasadeed iyo kuwo amni. Waxa dhacdey in xukuumaddii federaalka iyo ciidankeedii ku kor dagaallamaan dadkii shacab ahaa, heer ay haayadihii reer galbeed ee dawladda taageeri jirey sheegeen in 60 illaa 100 kun oo qoys ay qaxeen. Intii ay doontaba tiradu ha leekaatee waxa aynu indhaheenna ku arkaynay shacabkeennii oo qaxaya. Maxay u barakacayaan? Ma dawladdii ay shaley u soo bannaan baxayeen ayay maantana ka barakacayaan? Halkee wax ka qaldan yihiin, ma dawladda ayaan u qalmin in ay dadka matasho mise dadka la xukumayo ayaa xalkii ka doonay meel uusan jirin?



Dadka taariikhda ka warramaa waxa ay sheegaan qiso yaab lahayd oo dhacdey bishii koowaad ee 1991-kii, intii aanu burburka iyo barakacu ku habsan caasimaddii ummadda Soomaaliyeed ee muqdisho.Shir wadatashi ahaa oo la isugu yimid Baydhabo ayaa odey ka kacey kaddibna sheegay in maanta fursad la haysto lagu baajin karo colaad hor leh isla markaana waxa uu hadalkiisii ku soo xidhey "Waar yaan jaaniska la dayicin”. Odaygii hortiis iyo gadaashiisba waxa hadlay niman duqayti ah isla markaana nabaddii la rabey shuruudo ku xidhayey. Jaaniska haddii shuruud lagu xidho waa uu dayacmaa ee sidii bay fursaddii ku luntay dagaalkiina ku baahay, waxse la sheegay in dadkii hurinta colaadda u geyfnaa isla markaana in ay ku dheefaan rabey ayaa ugu horreyntii ku waxyeelloobay. In dheef laga raadiyo siyaasad qarriban waa wax lagu halligmi karo laakiin hantida ugu qaalisan ee basharku haystaa waa caqligakaas oo uu xayawaanka kaga gedisan yahay. Waligeed ma aysan jirin meel la qoto oo ka dahab badan maskaxda aadanaha, sidaa darteed ambiyadu hanti ma wadan jirin ee si xikmad leh ayay dadka garaadkooda u soo jiidan jireen xaqqana u gaadhsiin jireen. Haddii tuujinta caqliga laga tago oo loo tafoxayto dan shaqsi ah oo aan laga fakirin waa lagu hodmaa. Maahmaah soomaaliyeed baa tiraahda "Bakayle intuu bur ku jiro ayuu bur kale daydaydaa” ama si kale haddii loo dhigo "Sahan baa reer guuraa”. Haddii sheekadu noqoto "Safaru danaakil kullu yoom baakir” wax dheef ah lama gaadhayo ama waa jugug meeshaada joog. Halkii shaley lagu jabey in maantana lagu sii murkacdaa waa doqonniimo.Haddaba aan u dhaadhaco maqsadka qoraalkan oo ah soomaalidu ma haystaan jaaniskii ay diintooda dantooda iyo dhaqankooda ku ilaashan lahaayeen? Akhriste adba caqligaaga adeegso.



Laga soo bilaabo dawladdii Carta illaa laga yimaaddo dawladda Farmaajo waxa markasta jiray cidkale iska daaye in Reysal wasaaraha iyo Madaxweynaha oo isugu dhawi ay is khilaafayeen! Hadba dawladdii timaaddaa iyada ayaa mucaarad isugu filan. Burburkii Kacaanka muddo kaddib waxa tuulada yar ee Carta ee dalka Jabbuuti lagu soo dhisay dawlad uu madaxweyne ka ahaa Cabdiqaasim Salaad Xasan waxaana Raysal wasaare u noqday Cali Khaliif galaydh, laakiin waa is khilaafeen waana kala tageen iyaga oo aan muddo xileedkoodii dhammaysan. Waxa yimid Cabdillaahi Yuusuf oo Raysal wasaare ka dhigtey Cali Maxamed Geeddi iyaguna sidii kuwii hore oo kale waa ay is khilaafeen waana kala carareen ugu dambaynna Madaxweynihii ayaa isna is casilay. Waxa ku xigay Shariif Sheekh Axmed iyo Cumar Cabdirashiid oo xukuumaddooda lagu soo dhisay isla Jabbuuti iyagna ma ay wada dhammaysan. Xasan sheekh Maxamuud ayaa isna sidoo kale wasiirka koowaad u magacaabey Cabdi Faarax Shirdoon "Saacid” laakiin wakhti kooban kaddib waxa soo shaac baxay khilaafkooda halkaasna waxa ku kala dhaqaajiyey Raysal wasaare iyo madaxweyne kale. Ugu dambayn Farmaajo ayaa soo magacaabey Xasan Cali khayre, buunbuunin badan kaddib waxa ay qaadeen dhabbadii madaxdii hore oo waxa soo if baxay ismaandhaafkoodii halkaana waxa xilka lagaga qaadey muddo daqiiqado gudahood ah Xasan Cali khayre. Haddaba akhristow ma jidkan lagu socdo ayaa khaldan mise dawladnimada ayaa macmaheedu sidan yahay?.

Nooleyaasha alle abuuray waxa laga qaataa xikmad, shinnidu meelaha wanaagsan ayey ka qadhaabataa waxaana laga bartaacamal wanaagga. Shinnidu waa ay iskaashataa waana noole yar oo soo saara xaddi badan oo malab ah balse waxa jira noole kale, waa Xaar-walwaalka(Doorshaan). Xaar-Walwaalku waxa udgoon oo dhan waa uu ka xanaaqaa mararka qaarna waxaba suurogal ah in uu uduga ku dhinto halka uu wasakhda ka helo. Doorshaanku waxa uu inta badan raadsadaa saxarada aadanaha ama midda xayawaanaadka kale sida kuwa aynu dhaqanno saaladooda, kaddib inta uu kuus kuuso ayaa uu addimada dambeku wareejiyaa. Sida caadiga addimadiisa dambe waa ay ka dhaadheer yihiin lugihiisa hore. Marka uu addimadiisa ku eryayo wasakhda uu sito waxa uu hoos u jeediyaa madaxiisa dabadeedna isaga oo aan waxba arkayn ayaa uu u kaxeeyaa dhankii godkiisu ka xigay! Intaa uu socdo waxa uu la kulmaa caqabado fara badan, marar buu booraamo ka dhacaa oo ay kala lumaan isaga iyo wasakhdiisu, saa waxba ma arkayee!. Haddana dib buu u raadiyaa oo soo helaa haddana isla tabtii buu laba addin ee dambe ugu riixaa markale ayuu caqabado la kulmaa kolkaasay kala lumaan isaga iyo qudhunkii, iyaga oo sidii u kala maqan bay cadceeddu dhacdaa kolkaasuu godkiisii ku noqdaa isaga oo daallan lugihiisuna wasakh yihiin haddana aan wadan saxaradiisii! Muxuu daal korodhsadey!!.

Tabtaas waxa ka dhigan dadka ilaahay kitaab u soo dejiyey una sheegay in liibaantooda adduun iyo midda aakhiroba ku jirto ee haddana dastuur gaaleed qaatey, kaddibna aan waxba ka dheefin ee daal uun ka kororsadey. Qof caqliga lehi tilmaantuu wax ku fahmaa.

Wabillaahi Tawfiiq

W/Q: Wadaadyare Xaashi.

FG: Fikirku wuxuu gaar u yahay qoraaga SOMALIEMO looma tiirin karo

Related Items