25 sano kadib Faransiiska oo Ictiraafay Xasuuqii uu ka geystay dalka Rwanda.

Thursday May 27, 2021 - 17:04:52 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    25 sano kadib Faransiiska oo Ictiraafay Xasuuqii uu ka geystay dalka Rwanda.

    markii ugu horraysay dowladda Faransiiska ayaa ku dhawaaqday in ay ictiraafsantahay kaalintii ay ku laheyd xasuuqii malaayiinta qof ku dhinteen ee ka dhacay dalka Rwanda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

markii ugu horraysay dowladda Faransiiska ayaa ku dhawaaqday in ay ictiraafsantahay kaalintii ay ku laheyd xasuuqii malaayiinta qof ku dhinteen ee ka dhacay dalka Rwanda.


Emmanuel Macron oo ah madaxweynaha Faransiiska ayaa magaalada Kigaali ka sheegay in ay aqoonsanayaan ku lug lahaashiyii ciidankiisa ee xasuuqii lagu gummaaday dadka kasoo jeeda qowmiyadda Tuutsiga.

isagoo ka qeyb gelayay taallo loo dhisayay dadkii lagu laayay xasuuqii dhacay sanaddii 1994-tii ayuu yiri "waxaan qirayaa in faransiisku uu kaalin ku lahaa xasuuqii Rwanda waana wax aan ka xunahay oo raalli gelin aan kasiinayno shacabkan iyo dowladdiisa"


wuxuu ahaa hadal aanay filayn ehelladii dadkii la xasuuqay basle siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa dhawaaqan ku sifeeyay mid dhagar ah oo ujeedkiisu yahay in Paris ay dib usoo celiso shirkadaheedi boobka ku hayay dheemanta uu hodonka ku yahay dalka Rwanda.

25-kii sanadood ee lasoo dhaafay ayay France diidaneed in ay ictiraafto kaalintii ay xasuuqa ku laheyd ayna megdhow bixiso, magaalada Kigaali ayaa looga dhawaaqay in dib loosoo celiyay xiriirkii Faransiiska iyo Rwanda.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items