Madaxweynaha Maali ee Maxbuuska ah oo iscasilaad ku dhawaaqay.

Thursday May 27, 2021 - 09:40:11 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Maali ee Maxbuuska ah oo iscasilaad ku dhawaaqay.

    Bah Ndaw oo ahaa madaxweynaha Maali ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii madaxtinimo ee uu hayay xilli uu ku jiro xabsi melleteri.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bah Ndaw oo ahaa madaxweynaha Maali ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii madaxtinimo ee uu hayay xilli uu ku jiro xabsi melleteri.


Bayaan lagasoo daayay telefeshinka rasmiga ah ayuu Bah Ndaw ku sheegay in uu isaga tagay shaqada arrinkaas oo loo fasirtay in saraakiisha melleteriga ay ku qasbeen iscasilaad.

Waxa loogu yeero Q.Midoobay iyo Ururka Midowga Afrika ayaa si kulul u cambaareeyay tallaabada ay ciidamadu ku xireen madaxweynaha iyo R/wasaaraha.


'Golaha ammaanka' ayaa warbixin uu soo saaray uga codsaday Jeneraallada Maali in ay talada dib ugu celiyaan wax ay ugu yeereen maamulayaasha sharciga ah waxayna dhaleeceeyeen kaalinta uu ciidanku ka qaadanayo siyaasadda wadanka.

Tan iyo bishii Agoosto ee lasoo dhaafay ayay inqilaabyo melleteri ka dhacayeen dalka Mali oo si dadban ay gummeysato dowladda Faransiiska.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items