Warbixin: Q.Midoobay oo xaqiijisay in Al Shabaab ay 337 maxbuus kala baxday Xabsiga Boosaaso.

Thursday May 27, 2021 - 17:06:52 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 10 0
  • Share via Social Media

    Warbixin: Q.Midoobay oo xaqiijisay in Al Shabaab ay 337 maxbuus kala baxday Xabsiga Boosaaso.

    Warbixin kasoo baxday golaha amaanka ee QM ayaa lagu sheegay in weerarkii 20kii bishii Rajab ee sanadkan 1442 lagu qaaday xabsiga magaalada Boosaaso uu ka fajaciyay Beesha caalamka islamarkaana lagu tilmaami karo weeraradii ugu fariidsanaa ee ay fuli

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbixin kasoo baxday golaha amaanka ee QM ayaa lagu sheegay in weerarkii 20kii bishii Rajab ee sanadkan 1442 lagu qaaday xabsiga magaalada Boosaaso uu ka fajaciyay Beesha caalamka islamarkaana lagu tilmaami karo weeraradii ugu fariidsanaa ee ay fulisay Xarakada Al-Shabaab intii lagu gudajiray sanadkan.


Warbixintan oo qeyb ka ahayd taqaariir rubuc-sanadeed kasta mar loo diro golaha amaanka  laguna qiimeeyo xaalada siyaasadeed iyo mida amni ee Soomaaliya ayaa isdul taag ku sameysay howlgalladii ugu xooganaa ee saddexdii bilood ee ugu horreysay sanadkan ay jihaadiyiintu ka fuliyeen Soomaaliya.

Warbixinta waxaa lagu yiri "Afartii bishii Maarso Al-Shabaab waxay weerar xooggan ku qaaday xabsiga dhexe ee magaalada Boosaaso iyadoo soo furatay maxaabiis kor u dhaafaysa 337 maxbuus oo ay ku jiraan dumar gaaraya illaa 10 ruux" ayaa lagu yiri warbixintan oo aheyd mid uu soo diyaariyay xafiiska  QM ee Soomaaliya islamarkaana loo gudbinayey golaha amaanka ee golahaasi.


Warbixintu waxay sheegtay in 140 kamid ah maxaabiista lagu soo furtay weerarkaas ay ahaayeen dagaalyahano katirsan xarakada Al-Shabaab oo loo geystay waxa ay ugu yeereen falal argigixiso kuwaas oo qaarkood ku xukunaa toogasho ama xabsi daa'in ah.

Warbixinta oo sii socota ayaa lagu yiri: "Al-Shabaab waxay weerarkaas ku dileen sagaal kamid ah maleeshiyaatka maamulka Puntland, halka lagu dhaawacay labo kale oo uu ku jiro taliyihii xabsiga" sida lagu sheegay warbixinta ay soo saartay QM.

Xarakada  Al-Shabaab oo sheegatay mas'uuliyada weerarkii lagu qaaday xabsiga dhexe ee magaalada Boosaaso ayaa horay u sheegtay in howlgalkaas guuleystay lagu soo furtay in ka badan 400 oo maxaabiis Muslimiin ah oo isugu jira Mujaahidiin iyo dad rayid ah, balse hadalka kasoo yeeray UN-ka ayaa dhakafaar iyo dhabanaheysi ku noqday maamulka uu hogaamiyo  Saciid Deni, kaas oo subixii la weeraray saldhigga intuu soo xirtay dareeska military lasoo hor istaagay warbaahinta, booto iyo beena is raacsaday si uu u daboolo xaqiiqda guuldaradii weji gabaxa ahayd ee ku habsatay isaga iyo maamulkiisa.

Maamulka fadhigiisu yahay magaalada Garowe ayaa dadka taageersan u sheegay in ay dib usoo celiyeen inta badan maxaabiistii Xabsiga Boosaaso arrinkaas oo ahaa been weyn.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items