Mareykanka oo xayiraado dhanka dhaqaalaha ah kusoo rogay dowlada Itoobiya.

Monday May 24, 2021 - 08:36:25 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo xayiraado dhanka dhaqaalaha ah kusoo rogay dowlada Itoobiya.

    Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in cunaqabateymo dhanka dhaqaalaha iyo amniga ah ay kusoo rogtay dowladad Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in cunaqabateymo dhanka dhaqaalaha iyo amniga ah ay kusoo rogtay dowladad Itoobiya.


Antony Blinken oo ah wasiirka arrimaha dibadda ayaa war uu soo saaray ku sheegay in ay hakiyeen inta badan kaalmadii dhanka amniga ah ee ay siin jireen xukuumadda Addis Ababa.

Mareykanka ayaa xayiraadahan uu kusoo rogay Itoobiya ku macneeyay isku day lagu joojinayo xasuuqa ka socda gobolka Tigray.

Xayiraadaha cusub ee lasoo rogay waxaa kamid ah in mas'uuliyiinta Itoobiyaanka ah aysan heli doonin Fiisaha dalku galka Mareykanka.


Xukuumadda Washington waxay sheegaysaa in ay ciqaab dhanka diblumaasiyadda ah marsiin doonto saraakiisha ciidanka Ereteriya oo lagu eedeeyay in ay xasuuq ka geysteen gobolka Tigray.

Dowladda Mareykanka ayaa sanad walba lacago boqolaal Milyan ah ku bixin jirtay mashruuca 'ladagaallanka Argagaxisada' ee dalka Itoobiya.

Itoobiya ayaa 20-kii sano ee lasoo dhaafay wakiil uga aheyd Mareykanka dagaalka lagula jiro dadka muslimiinta geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items