Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar lagu laayay ciidamo katirsan melleteriga Kenya xilli ay ku socdaalayeen dhulka Soomaalida NFD ee gummeysiga ku jira.
Dowladda Kenya iyo Al Shabaab ayaa labaduba xaqiijiyay in weerar askar lagu dilay uu ka dhacay deegaanno katirsan gobolka Mandheera.
War rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidanka Al Shabaab ayaa lagu xaqiijiyay in ugu yaraan 13 askari Kenyaan ah lagu dilay weerar toos ah iyo qarax ka dhacay inta udhaxaysa deegaannada tagaabo iyo Banisa oo kawada tirsan Mandheera.
"Mujaahidiinta ayaa weerar dhabagal ah iyo qarax ka dhacay gobolka Mandheera ku dilay 13 askari saliibiyiin Kenyaan ah, ciidamada ladilay 12 kamid ah waxay ku dhinteen qarax halka askari boolis ah ay mujaahidiintu toogteen" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.
Dhinaca kale taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Kenya ayaa xaqiijiyay in ciidamadooda lagu weeraray Mandheera balse wuxuu aad uyareeyay khasaaraha dhankooda soo gaaray oo uu kusoo koobay 3 dhimasho ah.
Isbuucii lasoo dhaafay weeraro sidaan oo kale uga dhacay Lamu ayaa sababay dhimashada tobanaan askari Kenyaan ah.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
SomaliMeMo,Muqdisho