Sawirro: Wararkii ugu dambeeyay ee Xaaladda magaalada Qaza.

Thursday May 20, 2021 - 20:14:48 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Wararkii ugu dambeeyay ee Xaaladda magaalada Qaza.

    Kooxaha muqaawamada Falasdiin ayaa weeraro culus ku qaaday ciidamada Yahuudda Sahyuuniyadda ee xoogga ku haysta dhulalka muslimiinta Falasdiin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxaha muqaawamada Falasdiin ayaa weeraro culus ku qaaday ciidamada Yahuudda Sahyuuniyadda ee xoogga ku haysta dhulalka muslimiinta Falasdiin.


Wararka ka imaanaya magaalada Qaza ayaa sheegaya in xoogaga muqaawamadu ay saaruukh laheleen gaari Jiib ah oo ay ciidamada Yahuuddu wateen.

Sidoo kale xoogaga Falasdiiniyiinta ayaa dhowr saaruukh ku riday magaalooyin ay deganyihiin dadka Yahuudda waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo gaaray cadowga.

Dhinaca kale ciidamada Yahuudda ayaa wali sii wada duqeymaha ay ku hayaan shacabka rayidka ah ee magaalada Qaza, duqeymaha oo dhacay saaka aroortii iyo gelinkii dambe ee maanta ayay duqeymuhu socdeen.


saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in ugu yaraan 9 ruux ay ku dhaawacmeen duqeymaha ka dhacay Qaza, warbixin kasoo baxday guddiga caafimaadka Falasdiin waxaa lagu sheegay in tirada guud ee dadka ku dhintay duqeymaha cadawtooyo ay gaarayaan 231 ruux halka ay ku dhaawacmeen 1710 ruux.




Related Items