Melleteriga Itoobiya oo xoog kugalay Isbitaallo kuyaal gobolka Tigray.

Thursday May 20, 2021 - 12:09:02 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Melleteriga Itoobiya oo xoog kugalay Isbitaallo kuyaal gobolka Tigray.

    Melleteriga Itoobiya ayaa wali xadgudubyo ka geysanaya deegaannada ismaamulka Tigray ee dhaca waqooyiga wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Melleteriga Itoobiya ayaa wali xadgudubyo ka geysanaya deegaannada ismaamulka Tigray ee dhaca waqooyiga wadankaasi.


Wararka ka imaanaya Itoobiya ayaa sheegaya in shalay melleeteriga Abiy Axmed ay xoog ku galeen isbitaallo kuyaal magaalada taariikhiga ah ee Aksum.

Dhaqaatiir katirsan hay'adda MSF ayaa sheegay in ciidamo hubaysan ay xoog ku galeen dhowr isbitaal ayna labaxeen bukaanno ay uga shakisanyihiin in ay katirsan jabhadda TPLF.

Saraakiisha ciidamada ayaa howlwadeennada caafimaadka usheegay in ay baadi goob ugu jiraan xubno katirsan jabhadda qowmiyadda Tigreega.
War qoraal ah oo kasoo baxay hay'adda MSF ayaa lagu dhaleeceeyay falka ay ciidanka Itoobiya Isbitaallada ku galeen, dhacdooyinka lasoo wariyay waxaa kamid ah bukaannada qaar faashadaha laga furay islamarkaana halis lageliyay caafimaadka dhibanayaal.


Xukuumadda Addis Ababa ayaa utaak waysay dagaalka ka holcaya gobolka Tigray waxaana iskasoo dabadhacaya dambiyada dagaal ee uu ku lug lahaaday melleteriga Itoobiya.

Related Items