Sawirro: Ciidamada Yahuudda oo maalintii 2aad weerar ku haya masjidka Al Aqsaa.

Monday May 10, 2021 - 14:59:42 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Ciidamada Yahuudda oo maalintii 2aad weerar ku haya masjidka Al Aqsaa.

    Ciidamada Yahuudda Sahyuuniyadda ayaa maalintii labaad oo xiriir ah xadgudubyo ka geysanaya magaalada Qudus ee dhulka Falasdiin halkaas oo ay ixtilaal ku haystaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Yahuudda Sahyuuniyadda ayaa maalintii labaad oo xiriir ah xadgudubyo ka geysanaya magaalada Qudus ee dhulka Falasdiin halkaas oo ay ixtilaal ku haystaan.


Wararka ka imaanaya Filasdiin ayaa sheegaya in boqolaal qof muslimiin ah ay dhaawacmeen kadib markii ay ciidamada Yahuuddu xoog kugaleen gudaha masjidka Al aqsaa iyo barxadihiisa.

Wariyaal ayaa soo sheegay in 300 oo ruux ay dhaawacmeen kadib markii ay ciidamada cadowgu ay rasaas iyo gaas ku weerareen muslimiinta ku cibaadaysanaya gudaha Masjidka Barakeysan ee Al Aqsaa.


Sidoo kale Yahuudda ayaa barakicin iyo xasuuq ka wadda xaafadda Sheekh Jarraax ee bariga magaalada Qudus, kumanaan ruux muslimiin ah ayaa Ribaad uga jira Masjidka Al aqsaa halkaas oo ay kula halagamayaan cadowga Yahuuda.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay tobanaan ruux muslimiin ah oo iyagoo dhaawacyo ah laga daabulayo gudaha masjidka iyo hareerihiisa.







Related Items