Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay mid ka mida xaafadaha magaalada caasimadad ah ee Muqdisho.
Rag hubaysan ayaa maanta gelinkii dambe isgoyska Siinaay ku dilay haweenay kamid aheyd maamulka gobolka Banaadir.
ilo wareedyo ayaa sheegaya in ladilay Sahro Max'med Ismaaciil oo aheyd guddoomiyaha xaafadda Siinaay ee degmada Wardhiigleey.
Dhinaca kale xiisada colaadeed ayaa wali ka jira qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.
Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo katirsan hoggaamiyaasha sida aadka ah u mucaaradsan Farmaajo ayaa ka guuray hoteello ay ka deganaayeen hareeraha garoonka diyaaradaha caalamiga ah.
Shariif oo wata oo ciidamo farabadan ayaa degay Hotelka Kaah ee Bariga magaalada Muqdisho halka Xasan Gurguurte uu degay Mirinaayada ee degmada C/Casiis.
Qorshahan ay saraakiisha mucaaradka ku aag bedesheen ayaa kusoo aadaysa xilli ay Muqdisho ka jirto xiisada colaadeed waxaana laga cabsi qabaa in mucaaradku ay bilaabaan weeraro ka dhan ah muddo kororsiga Farmaajo.