Weeraro lagu qaaday saldhigyo kuyaal gobolka Banaadir.

Wednesday April 14, 2021 - 08:24:23
Xoogag hubaysan ayaa xalay weeraro ku qaaday qaar kamid ah saldhigyada ciidamada dowladda Federaalka ay ku leeyihiin xaafado katirsan magaalada Muqdisho.


Xalay fiidkii ayay rag hubaysan weerareen saldhig ku yaal xaafadda Maxamuud Xarbi ee degmada Wardhiigleey.

Sidoo kale weerar ka dhacay Baar Ubax ayaa lagu beegsaday ciidamo katirsan booliska dowladda, dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta qaraxyo barbar socday weerarka tooska ah.

Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa sare uqaaday weerarada ay ka geysanayaan degmooyinka gobolka Banaadir habeen hore ayay aheyd markii weerar sarkaal sare lagu dilay uu ka dhacay degmada Kaaraan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items

Update cookies preferences