Sawirro: 15 qof muslimiin ah oo ku dhintay dab ka kacay Xuduudda Bangladesh.

Wednesday March 24, 2021 - 09:04:26 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: 15 qof muslimiin ah oo ku dhintay dab ka kacay Xuduudda Bangladesh.

    Waxaa sare usii kacay khasaaraha ka dhashay dab ka kacay xera qaxooti oo kutaal xuduudda ay wadaagaan wadamada Bangladesh iyo Myanmar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa sare usii kacay khasaaraha ka dhashay dab ka kacay xera qaxooti oo kutaal xuduudda ay wadaagaan wadamada Bangladesh iyo Myanmar.


Warbixin kasoo baxday hay'adda UNHCR ayaa lagu sheegay in ugu yaraan 15 ruux barakacayaal ah ay dhinteen halka 560 ruux ay dhaawacyo soo gaaren kadib markii uu dab qabsaday xero ay dadkaas ku sugnaayeen.

ilo wareedyo ayaa sheegay in dadka dhintay ay ubadanyihiin haween iyo carruur kasoo jeeda qowmiyadda Rohinga ee muslimiinta ah.

Hoggaamiyaasha barakacayaasha muslimiinta ayaa sheegay in dabku uu bilaawday xilli habeen ah oo ay dadku hurdayeen, saraakiisha booliska Bangladesh ayaa xaqiijiyay in ay wadaan baaritaanno ay ku ogaanayaan sababta dabka keentay.


Dad ku dhow 750 kun oo ruux muslimiin Rohinga ah ayaa Miyanmar isaga cararay kadib markii ay ciidamada dowladda iyo dadka gaalada Buudiyiinta ah ay ku qaadeen weeraro laayaan ah sanaddii 2017 halka kumanaan kale ladilay.















Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items