Weerar lagu dilay askari katirsan AMISOM Sh/dhexe ka dhacay.

Sunday March 21, 2021 - 17:28:09
Liibaan Jeexoow
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro culus oo saacadihii lasoo dhaafay deegaanno katirsan gobolka Sh/dhexe.


Dagaalyahanno jihaadi ah ayaa dhowr jiho ka weeraray saldhigyo ay ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi ku lahaayeen dhowr deegaan oo katirsan Sh/dhexe.

ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in ugu yaraan 1 askari oo Burundeys ah uu dhintay halka 2 kalae ay dhaawacyo soo gaareen, Al Shabaab ayaa dhowr jiho ka weeraray saldhigyada ciidamada shisheeye ee degmada Mahadaay iyo deegaanka Miirtaqwo.

illaa iyo gadda wax war ah kamasoo bixin taliska ciidamada shisheeyaha AMISOM oo ku saabsan weeraradan khasaaraha dhaliyay ee ciidamadooda lagula beegsaday Sh/dhexe.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items