Dhageyso: Xalqada 2aad Ee Wareysiyada Maxaabiistii lagasoo xureeyay Xabsiga Boosaaso.

Monday March 15, 2021 - 10:10:25
Liibaan Jeexoow
Idaacadda Islaamiga Al-andalus waxay idiin soo gudbineysaa silsilado wareysiya ah oo ay la yeelatay maxaabiistii ay Mujaahidiintu kusoo furteen howlgalkii ka dhacay xabsiga ugu weyn ee magaalada Boosaaso 21-kii bisha Rajab sanadka 1442-Hijri.


Maxamed Nuur Axmed oo waa qof shacab ah waxa uu deegaan ahaan kasoo jeedaa magaalada Harar oo ay xooga ku heysato Xabashida Itoobiya.

Maamulka Ashahaado ladirirka ah ee isku magacaabay Puntland ayaa Maxamed Nuur ka qabtay dekadda Boosaaso sanadkii 1429 Hijri kuna began 2008-dii xilli uu doonayay inuu u tahriibo dhanka dhulka Xarameynka ee Sacuudiga.

Inka badan 13 sano oo xiriir ah ayuu isagoo dulman maamulka  Puntland ugu xirnaa xabsiga ugu weyn magaalada Boosaaso nolal iyo geeri ehelkiis meelna kuma ogeyn wiilkooda mana jirin wax xiriir ah oo isaga iyo ehelkiisa dhexmaray muddada 13-ka sano ah ee uu ku xirnaa xabsiga Boosaaso. Sida muuqata ehelkiisa waxayba moodayeen in wiilkooda sanadii 2008-dii uu badda ku dhintay.

Halkan Ka Dhageyso Xalqada 2-aad Wareysiyada Maxaabiistii Boosaaso.


Xigasho: Radio Andalus

Related Items