Dhageyso: Afar ruux Jawaasiis oo lagu dilay degmada Ceel Cadde ee gobolka Gedo.

Monday March 15, 2021 - 10:05:14
Markale maxkamad islaami ah oo kutaal Koofurta Soomaaliya ayaa xukunno dilal ah ku ridday dad lagu helay falal basaasnimo ah.


Shalay gelinkii dambe fagaare kuyaal degmada Ceelcadde ee gobolka Gedo waxaa lagu dilay illaa Afar ruux oo ku eedaysnaa in ay ahaayeen jawaasiis ushaqeynayay sirdoonno caalami ah.

Qaadiga maxkamadda ayaa goob fagaare ah ka sheegay in afarta ruux ee ladilay ay qirteen waxa lagusoo eedeeyay ayna qaarkood mas'uul ka ahaayeen duqeymo iyo dilal ka dhacay gobollada Jubbooyinka iyo Baay.

Ragga ladilay ayaa kala ahaa Axmed Cali dhuxul oo 50 sana jir ahaa ayaa ku eedaysnaa in uu basaas u ahaa Bangaraafta Mareykanka,
Cali Cumar Axmed oo 42 sana jir ahaa ayaa ku eedaysnaa in uu la shaqeynayay Nabad sugidda dowladda Federaalka ee ku sugan magaalada Marka.

Aadan Duuble Xasan 00 59 sana jir ah ayaa ubasaasayay sirdoonka dowladda Kenya lagasoo bilaabo sanaddii 2013 isagoona falal basaasnimo ka fuliyay Jubbada dhexe gaar ahaan Saakoow.

Ibraahim Cimraan oo ku magac dheeraa Hooroow ayaa ushaqeynayay sirdoonka dowladda Xabashida Itoobiya isagoona qaabilsanaa qeybta macluumaad aruurinta ee gobolka Baay.

Bishii Rajeb ee lasoo dhaafay ayaa magaalooyinka Jilib, Bu'aale iyo Ceel Cadde lagu dilay illaa 14 ruux oo dhammaantood ku eedaysnaa in ay jawaasiis ahaayeen ayna hagayeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drone-ka loo yaqaan.

Halkan ka degso qaadiga oo xukunka ridaya MP3

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho



Related Items