Al Shabaab oo sheegtay mas'uuliyadda qarax ka dhacay agagaarka Afisyooni.

Sunday March 14, 2021 - 06:38:30
Liibaan Jeexoow
sawir: sarkaalka qaraxa lagu beegsaday
sawir: sarkaalka qaraxa lagu beegsaday
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo xalay ka dhacay goob xasaasi ah oo kutaal bartamaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.


Sida wararku sheegayaan qaraxa oo ka dhacay agagaarka saldhigga ciidamada Afisyooni oo ku dhow garoonka diyaaradaha caalamiga ah waxaa ku dhaawacmay sarkaal melleteri iyo ciidamo ilaalo u ahaa.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in uu qaraxa ku dhaawacmay Co.Cumar Cabdi Raxmaan oo kamid ahaa saraakiisha ciidanka melleteriga iyo sedax askari oo ilaala u ahaa.

Wararka ayaa intaas ku daraya in qaraxa miino uu burbur gaarsiiyay gaarigii ay la socdeen sarkaalka iyo ciidamadiisa bartilmaameedka ahaa.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa ammaankeeda si aad ah loo ilaaliyaa balse waxaa muuqata in xoogaga jihaadiga ah ay ka duseen dhammaan xayndaabyadii amniga ee ay dhigtay dowladda Federaalka.

War rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayay ku sheegteen mas'uuliyadda qaraxa ka dhacay hareeraha Afisyooni sida ay baahisay Idaacadda Andalus, qaraxan ka dhacay goobta xasaasiga ah ayaa kusoo aadaya xilli shalay laxiray dhammaan waddooyinka Muqdisho.

"hal askari ayaa dhintay sarkaal iyo ciidamo ilaala u ahaana waa ku dhaawacmeen qarax xalay ka dhacay agagaarka xerada Afisyooni" ayaa laguyiri warka kasoo baxay XSH.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items