Al Shabaab oo sheegtay Mas'uuliyadda duqeyn loo geystay Xerada Xalane.

Tuesday March 09, 2021 - 14:58:59 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 2.6/5 Stars) Total Votes: 12
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo sheegtay Mas'uuliyadda duqeyn loo geystay Xerada Xalane.

    Weerar madaafiic ah ayaa markale lagu qaaday xerada Xalane ee magaalada Muqdisho halkaas oo ay kuyaallaan saldhigyada ugu waaweyn ee ciidamada shisheeye ku leeyihiin Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerar madaafiic ah ayaa markale lagu qaaday xerada Xalane ee magaalada Muqdisho halkaas oo ay kuyaallaan saldhigyada ugu waaweyn ee ciidamada shisheeye ku leeyihiin Soomaaliya.


Jugta illaa 6 qarax oo ka dhashay madaafiic hoobiyaal ah ayaa laga maqlay gudaha xerada Xalane, dad ku sugan garoonka diyaaradaha Muqdisho oo kaabiga ku hayo xerada laduqeeyay ayaa sheegay in ay maqleen daryanka madaafiicda.

War rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayay ku sheegteen mas'uuliyadda weerarkan madaafiicda ah ee Xalane lagu qaaday balse lama oga khasaaraha ka dhashay.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli waxa loogu yeero Beesha Caalamka ay Xalane ka wadaan qaban qaabada shir ay isugu keenayaan madaxda maamul goboleedyada iyo hoggaanka dowladda Farmaajo.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items