Rag lagu eedeeyay in ay ubasaasayeen sirdoonno caalami ah oo Bu'aale lagu dilay [Warbixin].

Monday March 08, 2021 - 17:13:39
Liibaan Jeexoow
Markale magaalo katirsan gobolka Jubbada dhexe ee dalka Soomaaliya waxaa lagu dilay rag gacan ku dhiiglayaal ah oo jawaasiis u ahaa sirdoonnada dowladaha shisheeye.


Fagaare kuyaal magaalada Bu'aale ee xarunta Jubbada dhexe ayaa lagu toogtay illaa 5 ruux oo ku eedaysnaa in ay geystaan dilal iyo shirqoollo halis ah iyagoo fulinaya ajandayaal shisheeye.

Nin lagu magacaabi jiray Max'med Soomoow Ibraahim oo ku magac dheeraa Booroow ayaa madax u ahaa shabakaddan jawaasiista ah ee lagu qabtay Bu'aale laguna dilay sida qaadiga maxkamadda Islaamiga wilaayada Jubbooyinka uu goob fagaare ah ka sheegay.

Max'med Soomoow ayaa gacantiisa ku gowracay ruux muslim ah oo ku sugnaa Jubbada dhexe kadib markii uu ka diiday in uu la shaqeeyo, sidoo kale wuxuu dilay xubin katirsanaa Al Shabaab.

Max'med Cusmaan Maxamuud oo ku magac dheeraa Max'med Deeq oo 16 sana jir ahaa ayaa isna lagu dilay fagaaraha Bu'aale kaasi oo maxkamadda horteeda ka qirtay dambiga uu galay.

Ismaaciil Saciid Kariib oo 49 sana jir ah ayaa isna ladilay waxaana ninkan shaqaalaysiiyay Max'med Soomoow Ibraahim oo ahaa madaxa shabakaddan jawaasiista ah.

Max'med Axmed Aadam oo ahaa 42 sana jir ah ayaa isna kamid ahaa dadkii ladilay kaasi shaqo uqabtay sirdoonka DF-ka balse isagoo aan lacag qaadan ayaa gacanta lagusoo dhigay.

C/qaadir Xasan Cali oo 22 sana jir ah ayaa isna ladilay, ninkan wuxuu qirtay in uu mas'uul ka ahaa duqeymo loo geystay guryo kuyaal magaalada Bu'aale.

Fagaaraha Bu'aale ayaa lagu dilay shantan nin balse mid ka mida Jawaasiista oo ahaa Max'med Soomoow Ibraahim ayaa gowrac lagu jiiday kadib markii uu horay sidaan oo kale ugu dilay ruux muslim ah sida ay sheegtay idaacadda Andalus.

Sources: Idaacadda Andalus

Related Items