DF iyo Al Shabaab oo siyaabo kala duwan uga hadlay qaraxii Muqdisho ka dhacay.

Friday March 05, 2021 - 21:49:12 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 2.7/5 Stars) Total Votes: 17
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DF iyo Al Shabaab oo siyaabo kala duwan uga hadlay qaraxii Muqdisho ka dhacay.

    War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay mas'uuliyadda qarax aad uxooggan oo caawa fiidkii ka dhacay degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay mas'uuliyadda qarax aad uxooggan oo caawa fiidkii ka dhacay degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho.


Sida ay baahisay Idaacadda Andalus weerarka oo loo adeegsaday gaari walxaha qaraxa lagasoo buuxiyay ayaa lagu beegsaday isku imaatin saraakiil katirsan DF-ka uga sugnaayeen meel ku dhow dekadda Muqdisho.

"Mujaahidiinta ayaa qarax gaari ku beegsaday isku imaatin ay saraakiil katirsan kooxda Ridada uga sugnaayeen degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Dhinaca kale taliska ciidamada Booliska DF-ka oo qaraxii caawa ka hadlay ayaa sheegay in gaari miinaysan lagu beegsaday Maqaayad kutaal degmada Xamar Jajab islamarkaana ay wadaan baaritaanno dhan walba ah.


illaa iyo hadda lama hayo tirakoob rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay qaraxii caawa balse dad goob joogayaal ah iyo ilo dhanka caafimaadka ah waxay sheegayaan  in ay dhimashadu tahay tobaneeyo dhaawacuna sodomeeyo.

Qaraxyada iyo dilalka ka dhacaya goobaha xasaasiga ah ee magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay sii kordhayay waxaana muuqata in  ammaanka caasimadda uu faraha ka baxay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items