Saldhig ay ciidamada Kenya ku leeyihiin gobolka Wajeer oo la weeraray.

Thursday March 04, 2021 - 12:59:10
Liibaan Jeexoow
gobolka NFD ayaa ku jira gummeysiga Kenya
gobolka NFD ayaa ku jira gummeysiga Kenya
Wararka ka imaanaya dhulka Soomaalida NFD ee gummeysiga ku jira ayaa sheegaya in weerar cusub lagu qaaday saldhig ay ku sugnayeen ciidamada Kenya.


Sida wararku sheegayaan weerar culus ayaa xalay lagu qaaday saldhig melleteri oo kuyaal deegaanka Qarso ee hoostaga Qorofxaraar ee gobolka Wajeer.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen hugunka rasaas iyo madaafiic xooggan oo labada dhinac ay is dhaafsanayeen, ciidamada Kenya ee weerarka lagu qaaday ayaa la sheegay in ay ku jawaabeen hubka culus.

Dagaalyahannada Al Shabaab ee halganka uga jira dhulka Soomaalida NFD ayaa awood ku yeeshay gobollo ay kamid yihiin Mandheera,Gaarisa iyo Wajeer halkaas oo ay sanad walba ku dilaan tobanaan askari oo katirsan Melleteriga iyo Booliska Kenya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items