Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro khasaara dhaliyay oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno katirsan Jubbada hoose iyo Sh/hoose.
Weerar ay xoogag jihaadi ah ka fuliyeen deegaan dhaca duleedka magaalada Kismaayo ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaartay maleeshiyaad katirsan maamulka isku magacaabay 'Jubbaland'.
ilo wareedyo ayaa sheegaya in ugu yaraan sedax askari lagu dilay weerar ay ciidamada wilaayada Islaamiga ah ka fuliyeen wadada xiriirisa deegaanka Cabdalla Biroole iyo magaalada Kismaayo.
Weerar kale oo shalay gelinkii dambe ka dhacay tuulada Buufoow ee duleedka degmada Janaale waxaa ku dhintay illaa sedax askari, wadarta guud askarta lagu dilay Jubbada hoose iyo Sh/hoose ayaa gaartay 6 askari.
Jihaadiyiinta Al Shabaab ayaa sare uqaaday weerarada ay ku beegsanayaan ciidamada shisheeya iyo maleeshiyaadka Soomaalida ah ee la shaqeeya.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho