Al Shabaab oo 5 ruux ku dilay fagaare kuyaal magaalada Jilib.

Wednesday March 03, 2021 - 08:27:45
Fagaare kuyaal degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe waxaa ka dhacay xukuno dil ah oo lagu fuliyay koox jawaasiis ah.


Boqolaal qof ayaa isugusoo baxay fagaaraha Macallin Aadan Xaashi Ceyroow ee degmada Jilib halkaas oo lagu dilay illaa 5 ruux oo jawaasiis ah kuwaas oo indha u ahaa sirdoonka Mareykanka.

Wariye ku sugan Jubbooyinka ayaa SomaliMeMo khadka taleefanka ugu sheegay in raggii galabta Jilib lagu dilay ay ku lug lahaayeen shirqoollo lagu duqeeyay saraakiil Al Shabaab katirsan.

Jawaasiista qaar ayaa gacanta lagu dhigay iyagoo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drone-ka loo yaqaan ku hagaya dhismayaal kuyaal Jilib.


1- Abuukar Xasan Maxamed oo 32 Sano jir ahaa ayaa qirtay in uu wada shaqeyn lalahaa hay'adda CIA-da

2- Mahad C/qaadir Aadan oo ku magaca dheeraa Mahad Qaadoole oo 21 sana jir ah ayaa qirtay in uu ushaqeynayay CIA-da

3-Xasan Maxamuud Maxamed { Xasan dheere } oo 29 sana jir ahaa ayaa qirtay in uu ushaqeynayay CIA-da

4- Axmed Cabdi Cabdullaahi Salmaan oo 34 Sano jir ah ayaa qirtay in uu basaas u ahaa CIA-da

5-Macalin Abuukar Maxamed Calasow oo 63 Sano jir ah ayaa qirtay in uu CIA-da basaas u ahaa.

Ma ahan markii ugu horraysay oo Al Shabaab ay demada Jilib ee Jubbada dhexe ku disho kooxo lagu helay falal basaasnimo ah.

Xigasho: Radio Andalus

Related Items